Waddamada islaamka oo cambaareeyay dhacdo kitaabka Quraanka lagu gubay Sweden

0
294

Dowladaha waddamada Islaamka sida Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya, Kuwait, Masar , Syria , Lubnaan , Afghanistan , Falastiin , Turkiga, Morocco , Jordan , Yemen iyo kuwa kale ee Bariga Dhexe ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdo uu qof dhalasho ahaan ka soo jeeda Ciraaq oo ku sugan wadanka Sweden uu ku gubay kitaabka Quraanka kariimka.
Waxay ka digeen in tallaabooyinka noocaasi ah ay kicinayaan dareenka muslimiinta guud ahaan caalamka.
Shalay ayay ahayd markii Salwan Momika oo 37 sano jir ah oo sanado ka hor u baxsaday dhanka Sweden uu dhowr bog oo ka mid ah kitaabka quraanka uu dab ku qabadsiiyay afaafka kore ee masjidka ugu wayn magaalada Stockholm.
Booliiska Sweden ayaa sheegay inay dhacdadaasi baarayaan.
Dhaqdhaqaaqa Hezbollah ee dalka Lubnaan ayaa laamaha ammaanka ee Sweden ugu baaqay inay xaqiijiyaan in falalka noocani ah la soo afjaro.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Vedant Patel ayaa dhankiisa sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada lagu gubay kitaabka quraanka wuxuuna taasi ku tilmaamay mid xushmad darro ah oo la dhibsado.