Xoghayaha guud ee golaha iskaashiga khaliijka (GCC) Jasem Albudaiwi ayaa muujiyay sida ugu adag ee uu u cambaareynayo ansixinta horudhaca ah ee baarlamaanka Israa’iil ee Knesset uu ku ansixisay laba sharci.
Hindise sharciyeedyadan ayaa looga dan leeyahay in lagu soo rogo waxa lagu tilmaamay gobonnimada Israa’iil dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo sharciyaynta xakamaynta degaameynta gumeysiga ee sharci darrada ah.
Albudaiwi waxaa uu xaqiijiyay in falkan uu ka dhigan yahay xad gudub bareer ah oo ka dhan ah go’aammada sharci ee caalamiga ah ayna wiiqayaan dadaalka beesha caalamka ee lagu lagu gaarayo nabad cadaalad ah oo dhamaystiran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hab-dhaqannada dejinta noocaan oo kale ah ay yihiin xad-gudub qaawan oo lagu hayo xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiiniyiinta iyo ku xad-gudubka shuruucda caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay.
Albudaiwi waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay gudato waajibaadkeeda sharci iyo siyaasadeed iyadoo Israa’iil ku cadaadinaysa in ay joojiso talaabooyinkan khatarta ah ee sii kordhaya.
Albudaiwi waxaa uu ku celceliyay mowqifka GCC ee adag iyo taageerada dadka reer Falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin in ay dhistaan dowlad madax-banaan oo ku teedsan xuddudihii June 4, 1967, oo ay caasimaddeeda tahay Bariga Quddus, iyadoo la raacayo Hindisaha Nabadda Carbeed iyo qaraarrada sharci ee caalamiga ah .




