Waddada wayn ee Nairobi Expressway oo xalay la xiray

0
564

Waxaa abaare 9-kii fiidnimo ee xalay dhaqan galay amar lagu xiray waddada wayn ee Nairobi Expressway oo aan la isticmaali doonin ilaa uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si rasmi ah uga furaya.
Arrintan waxaa waxaa shaaca ka qaadday shirkadda Moja Expressway Company oo mashruucan gacanta ku haysa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo dhammaatay muddadii tijaabada ahayd laga soo billaabo 14-kii bishii Shanaad ee sanadkan.
Shirkadda ayaa bayaan ku sheegtay in wajigii tijaabada ee mashruucan looga gol-lahaa in qiimeyn lagu sameeyo tayada waddada si loo ogaado caqabadaha jira iyo saameynta ay tani ku yeelan karto bixinta adeegyada gaadiidka.
Waxay shirkaddu sheegtay in marka hoggaamiyaha dalka uu waddadan si rasmi ah xariga uga jaro ay micnaheedu tahay in lagu tallaabsaday horumar wayn oo wax ka beddelaya caasimadda dalka ee Nairobi.
Moja Expressway Company ayaa gaadiidleyda ka raaligelisay saameynta ay ku yeelanaysa xiritaanka waddada waxayna sheegtay in baabuurleyda lagu soo wargelin doono marka adeegyada ay dib u billowdaan.
Intii lagu guda jiray tijaabinta isticmaalka waddada wayn ee Nairobi Expressway waxaa halkaasi laga soo tabiyay shilal.