Wadayaasha baabuurta oo digniin loo diray

0
268

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki iyo dhigiisa gaadiidka Kipchumba Murkomen ayaa digniin adag u diray wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka xilli fasaxeedka Christmas.
Waxay gaadiidleyda ugu baaqeen inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka u degsan isticmaalka waddooyinka haddii kale in tallaabo adag laga qaadi doono.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka lagula taliyay inaynan marnaba beer-jilleec u muujin qof wade ah oo halis gelinaya nolosha kenyaanka.
Xilliyada fasaxa iyo dabbaal degyada ayaa waxaa kordho dhacdooyinka shilalka ee laga diiwaangeliyo gudaha wadanka.
Maamullada NTSA, KeNHA, KURA iyo KeRRA ayaa lagu amray inay xoojiyaan kormeerka la xiriira isticmaalka waddooyinka si looga hor tago shilal.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka , waddooyinka iyo howlaha guud, Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa sheegay in sanadkan keliya ay shilal ku nafwaayeen 4,449 oo ruux marka loo barbardhigo sanadkii hore oo ay tiradan ahayd 4271 .