Darawaliinta kaxeeya baabuurta xamuulka ama rakaabka qaada ee masaafada dheer safro ayaa ku goodiyey inay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Xubnaha ururka ay ku mideysan yihiin wadayaashan iyo taan-booyada baabuurtan ee loo yaqaano (LoDDCA) ayaa ka soo horjeeda go’aan ka soo baxay maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA.
NTSA ayaa horay u sheegtay inay wadayaasha gawaarida qasab ku tahay in mar kale la tijaabiyo ka hor inta aan loo cusbooneysiin leesinka shaqo.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu yareynaya shilalka waddooyinka ee ka dhaca gudaha dalka.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee ururkan, Anthony Mutua ayaa sheegay inay shaqo joojin billaabi doonaan 12-ka bishan ilaa inta ay dowladda ka tixgelinaysa tabashooyinkooda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in gaadiidleyda ay xilligan wajahayaan culeysyo dhaqaale sidaasi awgeedna aynan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka la xiriirta tallaabooyinka cusub ee maamulka NTSA.