Wada hadallada siyaasadeed ee muxaafidka iyo mucaaradka dalka oo dib u billaabanaya

0
235

Waxaa maanta dib u billaabanaya wada hadallada siyaasadeed ee u dhexeya guddiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya.
Arrinkan ayaa lagu sheegay war murtiyeed uu soo saaray guddiga wada hadallada qaran.
Waxaa qoraalka ku cad in kulamadan ay inta badan noqon doonaan kuwo ay albaabadu u xiran yihiin.
Tani ayaa timid ka dib markii uu soo idlaaday geeddisocod lagu uruurinayay aragtida shacabka iyo soo jeedinnada ururrada kala duwan.
Wada xaajoodyada ayaa diiradda lagu saaraya shan qodob oo kala ah arrimaha dastuurka , cadaaladda dhanka doorashooyinka , maalgelinta hay’adaha dastuuriga ah, u hoggaansanka xeerarka daacadnimada ee isbeheysiyada siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda xisbiyada tirada badan ee dalka ka jira.
Garabka mucaaradka ee Azimio ayaa horay wacad ugu maray inay qaab kale adeegsan doonaan haddii wada hadallada aynan noqon kuwo wax ku ool ah.