Waxaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi maanta ka furmay wada hadallada u dhexeeya kooxaha kala matalaya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo garabka dowladda ee Kenya Kwanza.
Madaxa xisbiga Wiper ahna hoggaamiyaha Azimio u qaabilsan wada xaajoodyada siyaasadeed Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inay doonayaan in si ixtiraam leh loo wada hadlo .
Waxaa uu intaasi ku daray inay danaha qaranka ka horumarinayaan danaha kale ee siyaasadeed.
Kalonzo ayaa si cad u sheegay in aynan siyaasiyiinta Kenya Kwanza kala gorgortami doonin in qayb laga siiyo maamulka dowladeed.
Barasaabka ismaamulka Embu sidoo kalena ah guddoomiyaha xisbiga UDA, Cecily Mutitu Mbarire oo halkaasi si ku meel gaar ah ugu matalaysay Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna madaxa garabka Kenya Kwanza ee wada hadallada siyaasadeed Kimani Ichung’wah ayaa dhankeeda sheegtay inay mudnaanta siinayaan danta guud.
Waxay hoosta ka xarriiqday inuu madaxweynaha dalka William Ruto u soo wakiishtay in laga wada xaajoodo arrimaha la kala tabanaya.
Mr. Kimani ayaa horay u sheegay inaynan ka wada hadli doonin arrimo laga soo gudbay sida doorashadii guud ee sanadkii hore .
Mucaaradka ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in la isla meel dhigo xal u helidda qiimaha sarreeya ee maciishadda in kastoo madaxweyne William Ruto uu sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshaha maamulkiisa oo ay socdaan tallaabooyin qodobkan la xiriira.
Jeremiah Kioni ayaa hoggaaminaya xubnaha dhanka sharciga iyo farsamada ee Azimio.
Mucaaradka ayaa dhowr mar ku celceliyay baaq ku aaddan in dowladda dhexe aynan caqabad ku noqon wada hadallada labada dhinac.
Madaxa isbeheysiga Azimio , Raila Odinga ayaa sheegay in haddii wada xaajoodyada aynan noqon kuwo wax ku ool ah inay dib u billaabi doonaan dibadbaxyadii ay hakiyeen.