Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa soo saartay 40 bilyan oo shilin oo lagu kabaya howlaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradaha waddanka.
Wasaaradda tacliinta ayaa loo qoondeeyay 29.7 bilyan oo shilin , wasaaradda beeraha (4.6 bilyan), wasaaradda waddooyinka (2 bilyan oo shilin).
Sidoo kale barnaamijka warshadaha ee ismaamullada ayaa loo qoondeeyay 1 bilyan oo shilin halka waaxda qaabilsan horumarinta maalgashiga ee dalka lagu wareejiyay 600 oo milyan oo shilin.
Dhanka kale , 500 oo milyan oo shilin ayaa loo qoondeeyay barnaamijyada awoodsiinta dhaqaale oo uu ka mid yahay sanduuqa amaahda ee ganacsatada yaryar ee Hustler Fund.