Waaxyaha dowladda oo loo qabtay 3 cishe oo ay meesha uga saarayaan siyaabaha aan rasmiga ahayn ee lacagaha lagu bixiyo

0
306

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxaa dhammaan wasaaradaha , waaxyaha iyo hay’adaha dowladda lagu amray inay adeegsiga siyaabaha aan rasmiga ahayn ee lacagaha lagu bixiyo ku soo afjaraan ugu dambeyn 8-da bishan Siddeedaad.
Waxaa laga doonaya inay u wareegaan nambarka Paybill-ka ee ah 222222 oo ay dowladdu shaacisay in lagu bixinaya qarashaadka laga qaadaya dadweynaha marka ay helayaan adeegyada dowladda oo dhan.
Waxaa wareegtada ku cad in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu casriyeynaya fidinta adeegyada dowladda.
Sidoo kale waxaa dhammaan waaxyaha lagu amray inay adeegyadooda ku bixiyaan hannaanka casriga ee e-citizen ugu dambeyn 30-ka bisha Sagalaad ee sanadkan.
Dhammaadkii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto sheegay in aan la iskula xisaabtamin nambarro badan oo ay adeegsanayeen hay’adaha dowladda dhexe sidaasi awgeedna la go’aansaday in qarashaadka hal nambar lagu bixiyo.