Waaxda tareennada oo hakisay adeegyadeeda

0
284

Waaxda tareennada dalka ee Kenya Railways ayaa sheegtay inay hakisay adeegyadeeda gaar ahaan khadka Syokimau iyo Lukenya sababo amni awgood.
Maamulka waaxdan ayaa bayaan ku sheegay in marar kala duwan la weeraray tareennada maro xaafadda Mukuru kwa Njenga.
Waxay tusaale u soo qaadatay weerar abaare 6-dii subaxnimo ee Arbacadii lagu bartilmaameedsaday tareen marayay Lukenya.
Sidoo kale waxay waaxdu sheegtay in shalay subax tareen siday arday dhan 520 la weeraray 11-kii barqannimo.
Kenya Railways ayaa xustay inay aad u tixgeliso badqabka rakaabka waxayna intaasi ku dartay in adeegyada ay sidii caadiga ahayd ku soo laaban doonaan marka ay suuragal noqoto in la sii wadi karo.