Waaxda socdaalka ee dalka ayaa shaacisay in wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiang’i uu wadanka ka safray 19-kii bishii labaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC oo baaritaano ku haya mas’uulkan hore ay dalbadeen in faahfaahin laga bixiyo safarradiisa.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Matiang’i uu ku guul dareystay inuu ka soo hormuuqdo laanta dambi baarista si uu uga jawaabo su’aallo ku saabsan howlgal uu sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi in kastoo laamaha ammaanka ay taasi beeniyeen.
Qareennada Matiang’i oo uu hor kacayay Danstan Omari ayaa sheegay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uunan wadanka ku sugnayn.
EACC iyo DCI ayaa baaritaannada ay wadaan waxay uga gol-leeyihiin in la ogaado hantida uu Fred Matiang’i yeeshay sanadihii uu wasiir ahaa.