Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab mahiigaan ah la rajeynayo

0
354

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filaya in toddobaadka dambe laga billaabo berri roobaab ay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah wadanka.
Waxaa ay intaasi ku dartay in roobabka ay sidoo kale wataan dabaylo xooggan iyo daadad.
Roobabka ayaa la filayaa inay ka da’aan 43 ismaamul oo ka mid 47-da dowlad deegaan ee Kenya ka kooban tahay.
Goobaaha laga yaaba inay ka hooraan roobabka dabeylaha wato ayaa kala ah meelaha joogoodu sarreya ee galbeedka iyo bariga gobolka Rift Valley, harada Victoria, Nairobi, waqooyi galbeed iyo qaybo ka mid ah gobolka Xeebta ee dalka.
Axadda ilaa Khamiista toddobaadka soo socda ismaamullada la filaya inay roobabka ka hooraan ayaa kala ah; Kisumu, Homa Bay, Siaya, Migori, Busia, Kisii, Nyamira, Nandi, Kericho, Bomet, Kakamega, Vihiga, Bungoma, Narok, Baringo, Nakuru, Trans-Nzoia, Uasin-Gishu, Elgeyo-Marakwet, Galbeedka-Pokot, Nyandarua, Laikipia, Nyeri, Kirinyaga, Murang’a, Kiambu, Meru, Embu, Tharaka-Nithi, Nairobi, Machakos, Kitui, Makueni, Kajiado, Taita-Taveta, Mombasa, Tana-River, Kilifi, Lamu, Kwale, Marsabit, Garissa, iyo Isiolo.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya, David Gikungu ayaa dadweynaha kula taliyay inay taxadarraan si aysan waxyeello uga soo gaarin saameynta ka dhalan karto roobabka culus ay la rajeynaya inay da’aan.
Waxaa uu tilmaamay inay dhici karto in biriq ama jac ay ku dhacdo goobaha la filaya inay roobabka ka da’aan.