Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab culus la rajeynayo

0
526

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filayo laga billaabo maanta in roobab culus ay ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Gobollada ay waaxdu saadaalisay in roobab ay ka da’i doonaan waxaa ka mid ah Nairobi, bartamaha iyo bariga dalka,Nyanza, Galbeedka sidoo kale Rift Valley.
Dhanka waqooyiga dalka shacabka ku nool ismaamullada Garissa, Marsabit, Wajeer , Mandera iyo Isiolo ayaa la rajeynayaan in ay roobaystaan.
Waaxda KMD ayaa intaa ku dartay in gelinka dambe ee maalmaha nagu soo aaddan deegaannada qaar ay ku dhufan karto jac ama biriq.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya Stella Aura ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinaya nolosha shacabka iyo hantidooda inta ay roobabka da’ayaan.
Mrs. Aura ayaa gaadiidleyda iyo dadka waddooyinka gudbo iyaga oo lugeynaya ku boorrisay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si gaar ah marka ay marayaan meelaha ay biyuhu socdaan.