Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa markale soo saartay digniin ah in laga billaabo bisha Sagaalaad ilaa bisha 12-aad ee sanadkan ay wadanka soo wajihi karaan xaaladaha cimillada ee loo yaqaano El Nino.
Xilliyadan oo ay soomaalidu u taqaano deyr biyo badan ayaa waxaa la diiwaangeliyaa roobab culus oo ay ka dhashaan daadad saameyn wayn reeba.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu ayaa sheegay in odoroska la xiriira in bilaha ugu dambeeya ee sanadkan ilaa horraanta sanadka 2024-ka ay xaaladahan jiri doonaan uu yahay boqolkiiba 99.
Waxaa uu sheegay in roobab xooggan la filaya oo is dabajoog ah inay ka da’aan ismaamullada kala ah, Kisii, Elgeyo Mrakwet, Bungoma, Trans Nzoia, Galbeedka Pokot, Vihiga, Laikipia, Nakuru iyo Narok.