Waaxda qaran ee adeegga booliska Kenya oo xaqiijisay in ciidamo looga dilay Lamu

0
798

Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee (NPS) ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in abaaro 9-kii subaxnimo ee maanta kooxo burcad ah weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari ay la socdeen ciidamada ammaanka oo roondo ka waday ismaamulka Lamu.
Waxaa ay waaxda intaaa ku dartay in ciidamo ka tirsan booliska oo diyaarad la socday ay si degdeg ah arrinkan uga falceliyeen.
Waxaa ay sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan burcadda weerarka soo qaadday.
Hasa ahaate waxaa ay arrin nasiib darro ah ku tilmaamtay inay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in haatan la billaabay baaritaano arrinkan la xiriira, iyadoo laamaaha ammaanka ay ku raad joogaan burcadda.
Dhanka kale warbaahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in weerarka lagu dilay 4 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee dalka.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Lamu heegaan sare la geliyay ka dib weerarro dhawaan halkaasi ka dhacay oo ay ku dhinteen 7 qof.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa dhawaan bandow 30 cisho ah ku soo rogtay goobaha ay saameeyeen falalka amni darro ee ismaamulkaasi.