Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maxkamadda u gudbisay codsi ay ku doonaysa in dacwad dil lagu soo oogo labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Vincent Kirimi oo loo yaqaano Supuu iyo Murangiri Kenneth Guantai.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya dilkii loo gaystay Daniel Muthiani oo ka mid ahaa dadka warbixinnada ku soo daabaca baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka oo ka howlgalayay ismaamulka Meru.
Waaxda dacwd oogidda dalka ayaa dooneysa in eedeysanayaasha la soo taago maxkamadda sare ee Kiambu.
2-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa la waayay waxaana meydkiisa la helay 16-kii bishii hore.
Baaritaan uu sameeyay dhakhtarka dowladda u qaabilsan baaritaannada meydadka Johansen Oduor ayaa waxaa uu ku sheegay in Daniel la ceejiyay.
Waxaa meydkiisa lagu arkay dhaawacyo ka soo gaaray madaxa iyo feeraha oo jabay.
Ka dib markii la dilay ayaa meydkiisa webi lagu dhex tuuray.




