Waaxda ODPP oo amartay in maamulka IPOA uu billaabo baaritaanada ku aadan dil ay ciidamada booliiska qof u gaysteen

0
546

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa amartay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) inuu billaabo baaritaanno ku aaddan fal lagu toogtay Rex Kanyike Masai.
Amarkan ayaa imaanaya iyadoo maamulka IPOA uu shalay sheegay inuu billaabaya baaritaanno ku aaddan dilka Rex Kanyike Masai.
Maamulka IPOA ayaa haysta 21 cisho si uu baaritaanada u soo gabagabeeyo.
Rex Kanyike ayaa ka mid ahaa shacabka dhigayay dibadbaxa ay uga soo horjeedaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Xilli lagu daaweynayay isbitaalka Bliss Hospital ee ismaamulka Nairobi ayuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray lugta oo ay rasaasta uga dhacday.
Waxaa fiidnimadii Khamiista lagu toogtay afaafka hore ee maqaaxida Hilton ee bartamaha Nairobi xilli isaga iyo saaxibkii ay ku wajahnaayeen gurigooda.