Adeegga keymaha dalka ee (KFS) ayaa soo saaray digniin la xiriirta dab.
Waxay sheegeen in marka la eego abaarta ka jirto qaybo ka mid ah wadanka iyo dhirta oo yaraatay in laga cabsi qabo in dab uu saameeyo keymaha.
Sarkaal lagu magacaabo Peter Mukira ayaa laga soo xigtay in hoos u dhaca dhirta iyo waxyaabaha durba guban karo oo soo batay ay sare u qaadi karto halista dabka .
Waxaa uu sheegay in aan marnaba la oogolayn in dab lagu shido meel u dhow keyn.
Mukira ayaa xusay inay lagama maarmaan noqotay in digniinta la soo saaro iyadoo la cuskanaya xeerka keymaha ee sanadkii 2005-kii.
Peter ayaa intaasi ku daray in horay uu dab uga kacay keymo ku yaalla Sururu, Baraget iyo Menengai oo ka tirsan gobolka Rift Valley.