Esther Ngari ayaa loo magacaabay inay si ku meel gaar ah u sii hayso xilka agaasimaha guud ee shirkadda xaqiijisa tayada badeecooyinka ee KEBS .
Waxaa magacaabiddan sameeyay golaha qaran ee hal-beegyada ee NSC.
Golaha ayaa sidoo kale shan qof oo dheeraad ah si ku meel gaar ugu magacaabay xilal ka dib markii Arbacadii shaqooyinka laga joojiyey saraakiisha sar sare ee KEBS.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah agaasimaha xaqiijinta tayada iyo kormeerka Bernard Nguyo, agaasimaha horumarinta hal-beegyada iyo ganacsiga Zachariah Lukorito, maamulaha sare ee xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS u qaabilsan Nairobi Peter Makan, maamulaha kormeerka ee xafiiska dekadda Mombasa Mutuma Muthuri iyo maamule ku xigeenka Henry Sambul.
Agaasimihii guud ee KEBS ayaa ka mid ahaa 27 sarkaal oo shaqada laga joojiyey ka dib markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegtay in la fasaxay sonkor tayadeeda laga dayriyay oo la qabtay sanadkii 2018-kii.