Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in kenyaanka ay dhawaan fursad u heli doonaan inay dacwadaha gudbiyaan sidoo kalena ay la socdaan kiisaska khuseeya iyagoo adeegsanaya ablikeeshin ay hadda waaxdan ku howlan tahay soo saaridiisa.
Koome ayaa arrinkan shaacisay xilli ay si rasmi ah u furtay aqoon iswaydaarsiga sanadlaha ah ee mas’uuliyiinta maxkamadaha qaabilsan dhageysiga waxyaabaha yaryar ee ay dadku isku qabsadaan.
Waxay carrabka ku adkeysay in barta E-Judiciary ay diyaar noqon doonto bisha Afaraad ee sanadkan.
Bartan ayaa lagu isticmaali doonaa taleefoonnada gacanta ee casriga ah.
Garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in adeeggan uu dardargelin doono howlaha waaxda cadaaladda ee dalka sida in dadweynaha ay helaan xogaha taariikhiga ah ee dhanka garsoorka , go’aammada maxkamadaha iyo kiisaska la qorsheeyay in la dhageysto iyadoo aynan qasab ahayn in qofka uu maxkamadda tago.
Sidoo kale waxaa shirkadaha bixiya adeegyada sharciga iyo qareennada u fududaan doonta inay diiwaangeliyaan dacwadaha ay maxkamadaha u gudbinayaan si loo yareeyo caqabadaha la xiriira helidda adeegyada cadaaladeed ee ay si gaar ah u wajahaan qaybaha nugul ee bulshada iyo ganacsatada yaryar.
Martha Koome ayaa laga soo xigtay in soo saaridda ablikeeshinka E-Judiciary ay iska kaashanayaan xafiiska diiwaangeliyaha maxkamadaha , waaxda ICT-da iyo Barnaamijka Horumarka ee Qaramada Midoobay ee (UNDP).
Bishii Shanaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii waaxda dacwad oogidda dalka ay qaadday tallaabo tani la mid ah oo ay kenyaanka ku gudbin karaan cabashooyinkooda sidoo kalena ay qaab online ah ku codsan karaan in dib loo eego kiisaska.
Barta Malalamishi ayaa qofka u suurtagelinaysa inuu gudbiyo cabasho la xiriirta fal dambiyeed isagoo aan la aqoonsan.