Waaxda garsoorka oo ay u baaqatay 14 bilyan ka dib kiisas laga heshiiyay

0
465

Waaxda cadaaladda ee dalka ayaa sheegtay in aan la adeegsan miisaaniyad ah in ka badan 14 bilyan oo shilin maadaama dacwadihii dhaqaalahan lagu qarash gelin lahaa laga heshiiyay.
Arrintan ayaa la diiwaangeliyay shanti sano ee la soo dhaafay.
Kiisaska qaab wada hadal iyo is-afgarad lagu dhameeyay ayaa gaaraya 5,218 iyadoo tiradii guud ee la soo gudbiyay ay ahayd 9,057.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaaday guddoomiyaha guddiga qaabilsan dhexdhexaadinta dhanka garsoorka George Odunga.
Xaakinka ayaa xogtan soo bandhigay xilli isaga iyo xubnaha guddiga uu hoggaamiyo ay kulan qaab fogaan-arag ah ay la yeesheen madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome.
Waxaa kulankaasi laga sheegay in dacwadaha qaab dhexdhexaadin ah lagu xalliyay ay yihiin boqolkiiba 52.5.