Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in xabsiga loo taxaabay Godfrey Mwasiaga Kakan Maiyo.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu duubay muuqaal ku faafay baraha bulshada kaasi oo lagu tilmaamay mid dadweynaha ku dhiirrigelinaya rabshado ka dhan ah ciidamada booliiska iyo qoysaskooda.
DCI ayaa laga soo xigtay in muuqaalka la soo geliyay barta TikTok-ga ee tuhmanaha.
Saraakiisha dambi baarista oo dabagal ku hayay ayaa tagay dhismaha Kimathi House ee magaalada Nairobi halkaasoo uu Godfrey xafiis ku lahaa.
Waxaa uu hadda ku jiraa saldhigga booliiska isagoo maraya baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la hor geyn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay maxkamadaha ismaamullo kala duwan ay ka soo hormuuqdeen shakhsiyaad lala xiriirinaya rabshadihii dhacay Isniintii 7-dii bishan Toddobaad.