Waaxda DCI oo faafisay sawirrada eedeysane 26 milyan ku helay qaab khiyaano ah

0
562

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa faafisay sawirrada eedeysane loo haysto inuu qaab khiyaano ah ku helay lacag dhan 26 milyan oo shilin.
Tuhmanaha ayaa lagu magacaabaa David Kahi Ambuko waxaana raadinaya ciidamada dambi baarista ka dib markii maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ay soo saartay warqad lagu soo xiraya.
Waaxda ayaa sheegtay in ninkan loo yaqaano General oo ay socdaan dadaalo gacanta loogu soo dhigaya ka dib markii uu lacagtan ku helay qandaraas waxba kama jiraan ah.
Waxaa uu xilligii qandaraaska la siinayay sheegtay inuu ka mid yahay ciidamada difaaca ee wadanka.
Laanta dambi baarista ee wadanka ayaa hadda shacabka ka codsanaysa in ay aqoonsadaan iyaga oo adeegsanaya sawirrada la faafiyay si loo soo xirayo oo tallaabo sharciyeed looga qaado.