Waaxda DCI oo beenisay howlgal la sheegay in laga fuliyay hooyga Matiang’i

0
316

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa wacad ku martay inay tallaabo sharciyeed ka qaadi doonto Shakhsiyaadka faafinaya wararka been abuurka ah ee la xiriira howlgal la soo tabiyay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooyga wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiang’i.
Agaasimaha waaxdan Aamiin Maxamad ayaa sheegay inuusan jirin sarkaal ka tirsan DCI-da oo tagay hooyga wasiirkii hore ama loo diray inuu soo xiro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu dadweynaha ka dhaadhiciyay in la doonayay in la xiro si uu u sameeyo kicin dadweyne.
Agaasimaha DCI-da ayaa intaasi ku daray inay weli dhacdadaasi baaritaano dheeraad ah ku hayaan oo ay tallaabooyinka xiga dib ka soo sheegi doonaan.