Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay inay baaritaano ku hayso 5 ka mid ah saraakiisha sare ee shirkadda korontada dalka ee Kenya Power.
Howlwadeenadan ayaa lagu eedeynayaa inay mas’uul ka ahaayeen cilladii dhanka adeegga korontada ee guud ahaan wadanka saameysay horraantii toddobaadkan.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ,George Kinoti ayaa laga soo xigtay in saraakiishan ay yihiin kuwa qaabilsan ilaalinta khadadka korontada u qaybiyo wadanka sidoo kalena ku xiriiriyo keydka qaran.
Shirkadda Kenya Power ayaa cilladdii dhacday Talaadadii u aaneysay inay soo dumeen ilaa afar ka mid ah haamaha korontada ee Embakasi .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in cillad la gaarsiiyay marinnada korontada ee haamaha xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi taasoo sababtay in adeegga korontada uu saacado ka maqnaado dalka oo dhan in kastoo ugu dambeyn dib loo soo celiyay.