Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa maanta soo saartay magacyada iyo sawirrada 8 qof oo ay sheegtay in looga shakisan yahay ka mid ahaanshaha kooxaha argagixisada.
Qoraalka waaxda waxaa ku xusan in shakhsiyaadkan oo hubeysan ay halis yihiin.
DCI ayaa dadweynaha ka codsatay inay soo gudbiyaan macluumaadka fududeyn karo in tuhmanayaasha gacanta lagu soo dhigo.
Shakhsiyaadkan ayay waaxdu sheegtay inay suurtagal tahay in loo soo diray sidii ay dhibaatooyin uga gaysan lahaayeen gudaha wadanka.
Siddeedda qof ee ay waaxdu raadinayso ayaa kala ah Maxamad Cali Xuseen , Axmad Cali Maxamad ,Cabdiraxmaan Hija oo loo yaqaano Mnubi, Erick Njoroge Wachira ,Cabdiqaadir Maxamad oo loo yaqaano Ikrima, Peter Guchungu Njoroge oo isugu yeero Mustafa,Maxamuud Cabdi Aadan iyo Qaasim Musa Mwarusi oo loo yaqaano Abu Miki.
DCI ayaa sheegaysa in Maxamad Cali Xuseen iyo Axmad Cali Maxamad ay ka dambeeyeen weerar fashilmay oo ay Al-Shabaab fulisay sanadkii 2018-kii.
Waaxda dambi baarista ayaa laga soo xigtay in Cabdiraxmaan Hija iyo Erick Njoroge Wachira ay ka mid ahaayeen burcad dhibaateyn jirtay shacabka ismaamulka Nyeri waxayna dagaalyahaanada ku biireen sanadkii 2016-kii ka dib tababarro ay qaateen.
Cabdiqaadir Maxamad ayaa isna lala xiriirinayaa maleeshiyaadka Al-Qaacidda ee dalka Yemen.
Laamaha ammaanka ee wadanka ayaa sheegaya inuu ka dambeeyay qorshihii lagu weeraray dhismaha Dusit ee Nairobi iyo qaraxyadii sanadkii 2010-kii ka dhacay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Maxamuud Cabdi Aadan ayaa isna lala xiriiriyay qorsheyntii weerarkii Dusit ee bishii koowaad ee sanadkii 2019-kii.
Peter Gichungu oo horay arday uga ahaa jaamacadda JKUAT ayaa isna lagu xiray Mandera xilli uu doonayay inuu u gudbo Soomaaliya si uu ugu biiro Al-shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dacwad lagu soo oogay oo labo sano ka hor xabsiga laga siidaayay hasa ahaate waxaa uu dib ugu noqday Soomaaliya.
Qaasim Muusa Mwarusi ayaa lagu tuhunsan yahay inuu xagjireeyo dhallinyarada deegaanada Likoni, Diani iyo Ukunda ee gobolka xeebta isagoo la sheegay inuu xiriir la leeyahay kooxo burcad oo dhowr ah kuwaasoo deegaanadan weeraro ka gaystay.