Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la raadinaya madaxii hore ee kooxda Mungiki Maina Njenga si su’aallo loo waydiiyo.
Saraakiisha dambi baarista ee ismaamulka Nakuru ayaa doonaya inay Njenga wax ka waydiiyaan labo bastooladood iyo in ka badan 90 xirmo oo xashiish ah oo laga helay guri la rumeysan yahay inuu isaga leeyahay.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada ay howlgal ka fuliyeen tuulada Ngomongo ee deegaanka hoose ee Dundori.
Waxaa howlgabka lagu soo qabtay 8 eedeysanayaal oo ay da’dooda u dhexeyso 37 ilaa 54 sano.
DCI-da ayaa dadweynaha ka codsatay in haddii ay hayaan xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Maina Njenga oo dhuumaaleysanaya inay la wadaagaan waaxda si gacanta loogu soo dhigo.
12-kii bishan May ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiisha ammaanka ay howlgallo ka fuliyeen guriyaha madaxii hore ee kooxda Mungiki Maina Njenga uu ku leeyahay ismaamullada Laikipia iyo Nairobi in kastoo aan la faahfaahin sababaha keenay howlgalladaasi.
EX-MUNGIKI LEADER WANTED FOR QUESTIONING
Detectives based in Nakuru County are looking for ex-Mungiki leader Maina Njenga, in relation to the recovery of two firearms and over 90 rolls of bhang, found at a home linked to him.
In the raid conducted at Ngomongo village in…
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) May 22, 2023