Waaxda dacwad oogista dalka oo sheegtay in la faragaliyay cadeymaha dilka Albert Ojwang

0
152

Agaasimaha waaxda dacwad oogista dalka ee (DPP) ayaa maxkamada u sheegay in taliyaha saldhiga dhexe ee Booliska Nairobi Samson Taalam uu farageliyay cadaymo muhiim ah oo la xiriira baaritaanka socda ee ku saabsan dhimashada Albert Ojwang.
Talaam oo maanta soo hor muuqday Maxkamadaha Sharciga ee Milimani, ayaa xeer ilaalinta waxaa ay sheegeen in taliyaha Booliska Central uu shaqaaleysiiyay farsamayaqaan si uu u fara geliyo muuqaalada ilaalada Saldhiga Dhexe ee CCTV-da si loo carqaladeeyo cadaaladda.
DPP ayaa shaaca ka qaaday in teleefankii gacanta ee Taalam mar horeba la xiray oo uu hadda ku socdo baaritaan dambiyeed taasoo qayb ka ah baaritaanka ka dhanka ah dilka Ojwang.
Dawladdu waxay hadda doonaysaa in Taalam lagu sii hayo xabsiga muddo 21 maalmood ah si loogu ogolaado Hay’adda madaxa bannaan ee Kormeerka ku samaysa hawlaha Booliiska ee dalka (IPOA) si ay u dhamaystirto baaritaannada iyada oo aan la faragelin.