Agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa beeniyay in maxkamadda laga saaray dacwad ka dhan ah barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu, Ferdinand Waititu.
Siyaasigan ayaa lala xiriiriyay fadeexad lagu lunsaday lacag gaaraysa 588 milyan oo shilin.
Nuurdiin Xaaji ayaa bayaan ku xaqiijiyay in dacwaddan ay weli socoto.
Waxaa uu cadeeyay in keliya maxkamadda sare ay waaxda dacwad oogidda u diiday inay sii wado kiisaska ka dhanka ah 5 qof oo lala eedeyay Waititu oo xubno ka ahaa guddiga qiimeynta qandaraasyada ee Kiambu.
Mr. Xaaji ayaa laga soo xigtay inay billaabeen codsi ay go’aankan uga soo horjeedaan oo ay u gudbinayaan maxkamadda racfaanka ee dalka.
Eedeymaha loo soo jeediyay guddoomiyihii hore ee Kiambu , Ferdinand Waititu iyo shanta qof ee kale ayaa weli hor yaalla maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Mas’uulkan hore ayaa sidoo kale loo haystaa inuu ku takriifalay awoodiisa xafiiseed , inuu si khiyaano ah ku qaatay hanti dadweyne iyo inuu si ulakac ah ugu hoggaansamin xeerarka u degsan soo iibsashada qalabka.
CLARIFICATION: The case against Ferdinand Waititu IS STILL ONGOING. See the statement below. #HakiNaUsawa pic.twitter.com/pRNfjpuRNe
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) October 6, 2022




