Maxkamadda ismaamulka Nairobi ayaa waaxda dacwad oogidda wadanka ee ODPP u oggolaatay in ay meesha ka saarto kiis ka dhan ahaa barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko iyo labo eedeysanayaal oo kale.
Sonko ,Clifford Ouko iyo Benjamin Odhiambo oo ka soo hormuuqday maxkamadda Kahawa ayaa loo haystay in ay shakhsiyaad aan la aqoonsan u shaqaaleysiiyeen in ay gaystaan fal argagixiso taasi oo liddi ku ah xeerarka dalka.
Waxaa lagu eedeyay in ay arrintan ku kaceen bishii koowaad ee sanadkii 2021-kii iyagoo sita darees militari si loo fududeeyo gaysashada falkaasi.
Balse waxay dhammaantood iska fogeeyeen eedeymihii loo jeediyay iyadoo ay maxkamadda ugu dambeyn tixgelisay codsigii uga yimid waaxda dacwad oogidda wadanka ee ahaa in kiiskaasi uunan sii socon.




