Waaxda dacwad oogidda oo doonaysa in xabsiga lagu hayo 5 sarkaal oo booliis ah

0
391

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maxkamadda waydiisatay in loo oggolaado in ay muddo 14 cishe ah xabsiga ku hayso 5 sarkaal oo booliis ah.
Waxay doonayaan in ay muddadan ku soo gabagabeeyaan baaritaannada.
Saraakiishan ayaa loo haystaa in ay 13 maxaabiis ah oo ku jiray saldhigga booliiska ee Gigiri ee magaalada Nairobi ay u fududeeyeen in ay shalay halkaasi ka baxsadeen.
Askarta ka howlgasho saldhigga booliiska ee Gigiri ee baxsashada maxaabiista loo haysto ayaa kala ah Ronald Babo, Evans Kipkirui, Mollent Achieng , Zachary Nyabuto iyo Gerald Mutuku.
Waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegtay in shanta sarkaal ay shaqada ku jireen xilligii ay maxaabiista baxsanayeen.
Taleefoonnada ciidamadan ayaa lagu wareejiyay qaybta qaabilsan la tacaalidda dembiyada lagu fuliyo agabka tiknolojiyadeed iyo aaladaha intarneetka ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Sidoo kale, waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in ay jiraan shakhsiyaad kale oo ay saraakiisha xiran sheegeen in ay falkan ku lug leeyihiin sidaasi awgeedna ay diyaar u yihiin in ay hoggaamiyaan soo qabashadooda.
Ciidamadan ayaa la xiray ka dib markii shalay subax ay saldhigga booliiska ee Gigiri ka carareen 13 qof oo uu ka mid yahay Collins Jumaisi oo ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee loo haysto meydadkii haweenka ee laga helay Kware oo ka tirsan Nairobi.
Dhacdadaasi baxsashada ah ka dib, ayuu sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Gilbert Masengeli amray in xiro oo baaritaano lagu sameeyo saraakiishii xabsiga ilaalinayay.
Masengeli ayaa intaasi ku daray in dambi baarayaasha ay eegayaan muuqaal ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da si macluumaad dheeraad ah looga helo dhacdadaasi.