Waaxda dacwad oogidda wadanka oo ay matalayaan Alexander Muteti iyo Victor Awiti ayaa maxkamadda racfaanka u gudbiyay dacwad ay ku doonayaan in aan la aqbalin codsi ka yimid xildhibaanka deegaanka Sirisisa ee ismaamulka Bungoma ,John Waluke .
Waluke ayaa gudbiyay racfaan ka dhan ah 67 sano oo lagu xukumay.
Hasa ahaate Alexander Muteti ayaa guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah ka codsaday inay ayidaan go’aan horay uga soo baxay maxkamadda sare ee dalka.
Xildhibaanka oo uu qareen matalaya ayaa doonaya in damaanad lagu siidaayo inta ay maxkamadda ka go’aaminaysa codsiga racfaanka ee uu geeyay si uu shacabka uu baarlamaanka ku matalo ugu adeego.