Waaxda dacwad oogidda oo bayaan ka soo saartay dilkii Daniel Muthiani

0
240

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in waaxda dambi baarista ee DCI-da aynan weli la soo wadaagin galka ku saabsan baaritaannada la xiriira afduubkii iyo dilkii loo gaystay Daniel Muthiani.
Ninkan ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka baraha bulshada iyo intarneetka ku soo daabaco warbixinnada kala duwan wuxuuna ku sugnaa Meru.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ,Renson Mulele ayaa iska fogeeyay dhaliil xafiiskiisa loogu jeediyay baraha bulshada oo ahayd inuunan ka soo bixin waajibaadkiisa oo uunan caddeyn qaabka loo wajahaya baaritaannada ku aaddan dhibaateyntii Daniel Muthiani oo loo yaqaanay Sniper.
Waxaa uu xusay in ay waajibaadkooda guteen oo ay hadda howshan la taallo DCI-da.
Waaxda ODPP ayaa bayaankeeda ku sheegtay in laanta dambi baarista dalka ee DCI-da ay codsatay inay baaritaannada soo gabagabeyso.
Shakhsiyaadka dhaliilaha u jeediyay waaxda dacwad oogidda wadanka waxaa ka mid ahaa Dennis Itumbi oo ku andacooday inay diiday in ay baarto dilkii ninkan oo eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinaya uu yahay Vincent Muriithi Kirimi.
Kirimi ayaa la xiray ka dib markii Daniel la waayay balse waxaa lagu siidaayay damaanad ah 20,000 oo shilin.