Waaxda caddaaladda oo tababarro siinaysa garsoorayaal ka hor doorashada guud

0
337

Madaxa caddaaladda ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in ka hor xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan tababarro la siin doono garsoorayaal si gaar ah u qaabilsan dhageysiga dacwadaha ku saabsan natiijooyinka codeynta.
Waxay hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabacay 120 maxkamadood oo gaar ah.
Waxay ku celcelisay in tababarrada ay noqon doonaan kuwo ku saleysan u diyaar garowga doorashada guud iyo xaqiijinta caddaaladda.
Madaxa caddaaladda ee Kenya waxay dadweynaha u xaqiijisay inay ka go’an tahay ilaalinta kalsoonida lagu qabo waaxda garsoorka.
Koome ayaa sheegtay inaysan jirin cid sharciga ka sarreysa oo dembi ay gashay aan lagula xisaabtami karin.