Waaxda cadaaladda oo gaashaanka u daruurtay warbixinta guddiga maamulka cadaaladeed

0
493

Waaxda cadaaladda ee dalka ayaa sheegtay in ay dalbanaysa in la joojiyo waxa ay ku tilmaantay weerar lagu hayo garsoorayaasha.
Waxay ka jawaabaysay warbixin uu dhawaan soo saaray guddiga qaabilsan maamulka cadaaladeed ee CAJ oo sidoo kale loo yaqaano Ombudsman.
Warbixinta guddigan ayaa lagu sheegay in waaxda garsoorka ay tahay mid uu saameeyay musuqmaasuq oo aan sida habboon uga soo bixin waajibaadkeeda.
Hasa ahaate afhayeenka waaxda cadaaladda ee dalka Paul Ndemo ayaa sheegay in dhaliishan ay dhaawacaysa kalsoonida shacabka sidoo kalena ay waxyeelleynaysa fidinta adeegyada cadaaladda.
Guddiga CAJ ayaa laga soo xigtay in kiisas gaaraya 700 oo cabashooyin ah laga soo gudbiyay saraakiisha garsoorka.
Waxaa la xalliyay 302 ka mid ah dhacdooyinka halka 398 kale aan weli la dhameystirin.
Sidoo kale , waxaa jiro 449 oo ah kiisas laga dib dhacay dhameystirkooda iyadoo 91 ka mid ah loo aaneeyay waxqabad xumo.