Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa baarlamaanka u gudbisay labo hindise sharciyeed oo la xiriira xeerka ciqaabta ee wadanka.
Waxay doonaysa in la yareeyo muddada ay xabsiyada ku jirayaan dadka lagu xukumay xabsi daa’in.
Dastuurka dalka waxaa qayb ka ah xeer la soo saaray xilli hore oo qeexaya in dadka lagu helo dembiyada dilalka ,khiyaano qaran iyo dhaca awoodda loo adeegsado in lagu xukumaya dil.
Hasa ahaate Koome ayaa doonaysa in xeerka ciqaabta uu noqdo mid lagu tixgelinaya hal-beegyada xuquuqul insaanka oo aan qofka dil lagu xukumin haddii xilligii uu dambigan sameynayay ay da’diisu ka hooseysay 18 sano.
Sidoo kale Martha Koome ayaa doonaysa in baarlamaanka uu isbeddel ku sameyeo xeerka ciqaabta ee dalka si qaybta ah in qofka lagu xukumay xabsi daa’in loogu beddelo muddo aan ka badnayn 30 sano.
25-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu xukunnadii dilalka ee ay maxkamaduhu soo saareen wixii ka horreeyay 22-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore uu ku soo koobay xabsi daa’in.
Madaxweynaha ayaa wargelinta rasmiga ee dowladda ku shaaciyay inuu go’aankan qaatay ka dib talo ay la wadaageen xubnaha guddiga cafiska madaxweyne.
Sanadkii 1987-dii ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay Kenya qof dil ku fulisay
Waxaa xilligaasi la daldalay Hezekiah Ochuka oo lagu eedeyay inuu khiyaano qaran sameeyay xilligii iskudaygii afgembi ee sanadkii 1982-dii.
Home Wararka Kenya Waaxda cadaaladda oo doonaysa in isbeddel lagu sameeyo xukunnada xabsi daa’inka ah