Waardiye xalay dhaawac daran loogu gaystay Dadaab

0
728

Waxaa xalay dhaawac daran loogu gastay magaalada Dadaab nin waardiye ka ahaa xarun shidaal oo ku taalla deegaankaasi.
Siyaad Axmad Dhabar oo waardiye ka ahaa kaalinta shidaalka ee Riyaan oo ku taalla bartamaha magaalada Dadaab ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay koox burcad ah bangado ku soo weerareen ka dibna dhaawacyo halis ah u gaysteen.
Waardiye ayaa la sheegay inuu miirdaboolmay, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo badan oo halis ah.
Muqaallo ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV ayaa la dhex arkay afar burcad ah oo wajiyada qarsaday kuwaas oo dhibaato u gaysanaya waardiyaha, iyadoo ka dib markii ay dhaawaceen ay dhac ka gaysteen kaalintaasi shidaal.
Dhacdadan oo xalay saq dhexe la soo tabiyay ayaa laga war helay aroornimadii hore ee maanta, iyadoo ay goobta gareen ciidamo booliis ah iyo saraakiil ka socota waaxda dambi baarista ee DCI-da.
Burcadda ayaa horay u sii qaadatay taleefoonkii gacanta ee waardiyaha iyo midkii kaalinta shidaalka ee lacagaha lagu dirayay.
Maamulka xarunta shidaalka ee dhaca laga gaystay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dhacdadan.
Shacabka deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa cambaareeyay falkan.
Saraakiisha ammaanka ee baaraya dhacdadan, ayaa shacabka ka codsaday inay la soo wadaagaan warbixinnada ku aadan burcadda dhaawaca iyo dhaca gaysatay.
Waa markii ugu horreysay oo dhacdo noocan oo kala ah laga soo tabiyo bartamaha magaalada Dadaab.