Waalidka wiil dhallinyaro ah oo maanta lagu dilay Muqdisho oo cadaalad dalbanaya

0
237

Waxaa lagu soo warramayaa in maanta wiil dhallinyaro ah lagu dilay isgoyska Siinaay ee warta nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay dad ku bannaan baxayeen.
Haweeney ayaa sidoo kale ku dhaawacantay rasaasta oo ay goobjoogayaal la wareystay sheegeen in ciidamada ku fureen dad dibadbaxayay.
Dadka ayaa sheegay in ay ka dibadbaxayeen mas’uul ka tirsan dowladda hoose ee gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday ama laga beddelay degmada.
Waalidka dhalay wiilka dhintay ayaa sheegay in ay cadaalad ka dalbanayaan dowladda Soomaaliya.