Qaar ka mid ah dugsiyada dadweynaha ayaa ku soo rogay ardeyda lacagaha waxbarashada dheeraadka ah iyaga oo sheegay inay tahay in ardeyga uu bixiyo lacagtan ka hor inta uusan soo haadirin iskuulka xilliga waxbarashada ee saddexaad ee sanadka.
Waalidiinta ayaa cambaareyay falal ay ku keceen maamulayaasha dugsiyada iyagoo sheegay in carruurta aan bixin lacagta loo diiday inay gudaha u galaan xaruumaha waxbarashada.
Waalidiintu ayaa cabashadooda ku saleeyeen qaybta 29 (1) ee sharciga waxbarashada aasaasiga ah oo dhigeysa in dugsiyada dadweynaha aysan lacag weydisan karin ama iskuulka uga eryi karin ardey lacag dheeri ah oo sharci darro ah.