Dugsiyada ayaa dib loo furi doona sanad-dugsiyeedka labaad ee 2022-ka maalinta berri ah taas oo ka dhigeysa wakhti adag oo ka dhan ah ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta iyada oo saameynta uu xanuunka safmarka ku yeeshay waxbarashada uu soconaya sanadkii saddexaad ee xiriir ah.
Dhaqan ahaan, sanad-dugsiyeedka labaad waa mid ka mid ah kuwa ugu dheer uguna mashquulka badan jadwalka dugsiyada Kenya.
Caadiyan waxaa ay ardaydu dugsiyadu ku sugnaan jireen 14 isbuuc, hasa ahaate hadda waxaa loo qorsheeyay inay qaadato 10 toddobaad oo keliya.
Tan iyo sanadkii hore, waalidiinta ayaa saarnaa cadaadis dhanka inay bixiyaan lacagaha waxbarashada , iyadoo afar xilli dugsiyeed loo qorsheeyay 2021-kii iyo 2022-ka midkiiba si loo kabo wakhtigii lumay ee uu saameynta ku yeeshay cudur sidaha Covid19.
Iyadoo waalidiintu ay ku dhibtoonayaan bixinta lacagaha dugsiyada, macallimiinta iyo maamulayaasha xarumaha waxbarashada ayaa waxay ka digeen inay ku adkaan doonto sidii ay u maamuli lahaayeen dugsiyada haddii dowladda aysan si degdeg ah u bixinin lacagahooda.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo qiimaha cuntooyinka qaarkood sida galleyda iyo digirta ay laba jibaarmeen.
Sida uu sheegay xoghayaha guud ee waxbarashada aasaasiga ah ee dalka, dowladda waxay wadaa qorshe ah in iskuullada ay si toos ah cuntada uga iibsadaan hay’adda cuntada iyo wax-soosaarka dalka, ka dib codsi ka yimid ururka madaxda dugsiyada sare ee Kenya.
Home Wararka Kenya Waalidiinta iyo macallimiinta oo wajahaya wakhtiyo adag iyada oo dugsiyadu dib loo...