Waalidiinta dugsiga sare ee Upper Hill oo codsaday in xaruntaasi waxbarasho la xiro

0
296

Waxaa buuq laga soo tabiyay afaafka hore ee dugsiga sare ee Upper Hill ee magaalada Nairobi, ka dib markii waalidiinta ardayda iskulkaasi ay dugsiga tageen si ay ogaadaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cudurka daacuunka ee ka dilaacay dugsigaasi.
Imaatinka waalidiinta ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 16 ka mid ah ardayda dugsigaasi isbitaal la geeyay iyagoo looga shakiyay cudurka daacuunka, halka 95 arday laga daweeyay xanuunkan kuwaas oo laga saaray isbitaalka.
Waalidiinta ayaa codsaday in xaruntaasi waxbarasho la xiro maadaama uu ka dilaacay cudurka dacuunka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saameynta ugu badan ay soo gaartay ardayda fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee Upper Hill.
Dhawaan ayay ahayd markii ay wasaaradda tacliinta ee dalka walaac ka muujisay inay biyo yari soo foodsaartay dugsiyada ku yaalla caasimadda dalka.
Wasaaradda caafimaadka oo baaritaano dheeraad ah wado ayaa dhanka kale beenisay in cudurka daacuunka uu ka dillaacay dugsiga sare ee Upper Hill.
Macluumaadka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa muujinaya in tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ismaamulka Nairobi laga diiwaangeliyay in ka badan 500 oo ah xaaladaha cudurka daacuunka oo ay u dhinteen 85 ruux.