Waxaa ay saameyn ku timid howlaha dugsiga Upper Sagana ka dib markii ay waalidiinta ardayda dugsigaasi dhigata ka caroodeen saldhig booliis ah oo ay sheegeen in laga dhex hirgelinaya xaruntaasi waxbarasho.
Waalidiinta ayaa sameeyay mudaaharaad ay kaga soo horjeedaan dhismaha saldhigga oo lagu maalgelinaya sanduuqa horumarineed ee deegaan baarlamaneedka Ndia ee ismaamulka Kirinyaga.
Waxaa waalidiintan hoggaaminayay guddoomiyaha ururka waalidiinta iyo macallimiinta ee PTA Jeremiah Gikunju.
Waxay sheegeen in aan lala tashan markii mashruucan la billaabayay.
Sidoo kale , waxay wasaaradda waxbarashada ee dalka ka codsadeen in ay hesho aragtida xubnaha guddiga ka hor inta uunan mashruucan sii socon.