Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxweyne Mareykanka oo laga helay Covid19?

0
263

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa laga helay cudurka Covid-19.
Waxaa uu madaxweynaha hadda ku karantiilan yahay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo.
79 jirkan ayaa horay si buuxda looga tallaalay fayraska Corona, labo jeer ayuuna soo qaatay tallaalka Covid19.
Waxaa uu hadda leeyahay calaamado aad u xaddidan oo muujinaya cudurka, waxa uuna sii wadaya gudashada waajibaadkiisa, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaadanaya dawada Paxlovid oo ka hor tagta inuu cudurku jirka waxyeello ba’an u gaysto, ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka ka soo baxay afhayeenkiisa.
Marwada Koowaad ee Mareykanka, Jill Biden, ayaa sheegtay in seygeeda uu fiican yahay, iyadana laga waayay xanuunka.
Sida uu qabo xeerka Aqalka Cad, madaxweynaha ayaa shaqada wadan doona isagoo karantiil ku jira, ilaa cudurka laga waayo, sida ay shegetay Ms Jean-Pierre.
Shirarka ayuu uga qaybgeli doonaa qaab maqal iyo muuqaal ah, isagoo adeegsanaya aaladda muuqaal aragga fog ee Zoom.