Ganacsiga xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa si caadi ah ku soo laabtay ka dib markii maalmahan uu saameyn ku yeeshay dil halkaasi loogu gaystay mid ka mid ah shacabka xeradaasi.
Guddiga nabadgalyada ee xerada iyo waxgaradka deegaanka Dadaab iyo hoggaanka xeradaasi ayaa sheegay in arrinkaasi uu saameyn ku yeeshay ganacsigii deegaanka hoose balse hadda xaaladdu caadi ay tahay.
Waxaa ay ku baaqeen in nabadgalyada lagu dadaalo islamarkaana wixii dhacay laga bogsado.




