Waa kuma sarkaalka soomaaliga ah ee noqonaya agaasimaha waaxda dambi baarista Kenya ee DCI-da?

0
543

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Aamiin Maxamad Ibraahim u magacaabay agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Mr. Aamiin ayaa beddelaya George Kinoti oo bishii hore xilkan iska casilay.
Intii aan xilkan cusub loo magacaabin, waxa uu ahaa agaasimaha waaxda booliska ee qaybta wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka.
Waxaa uu khibrad 30 sano ka badan u leeyahay baarista dambiyada.
Aamiin Maxamad Ibraahim ayaa ku soo baxay turxaan bixin lagu sameeyay 10 qof oo isugu soo haray liiska shakhsiyaadka daneynayay inay qabtaan xilka agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Waxaa uu ka soo jeeda ismaamulka Wajeer ee waqooyi bari Kenya.
30-kii bishii hore ayay ahayd markii la xayaysiiyay in jagadan ay bannaan tahay maadaama uu 27-kii Septembar iska casilay George Kinoti oo hayay.
Waxaa xilkan si ku meel gaar ah u sii hayay Massa Hamisi Salim.