Dowladda Mareykanka ayaa ayaa shaacisay in lacag dhan 5 milyan oo doolarka Mareykanka ah ay siin doonto ciddii keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Jihaad Serwaan Mustafa oo loo yaqaan Axmad Gurey oo la rumeysan yahay inuu xubin sare ka yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
“Mustafa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka ugu darajada sarreeya ee u dhashay Mareykanka ee dibbadda uga soo dagaalama urur argagixiso,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Robert Brewer. “Maamulka argagixisada Al-Shabaab waxay khatar ku tahay amniga qaranka Mareykanka, xulafadayada caalamiga ah iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.”
Waxaa uu Mustafa ka mid yahay dadka loogu baadi-goobis badan yahay islamarkana ku jira liiska FBI-da.
Waxaa uu ku soo barbaaray xaafadda Serra Mesa, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga sare ee magaaladaas. Markii uu dugsiga sare dhameeyay waxaa uu ku biiray Jaamacadda California, San Diego, halkaasi oo uu ka qalin-jabiyay sanaddii 2004-tii.
Sanaddii 2005-tii isaga oo ay da’diisu tahay 23 jir ayuu Mustafa sida la sheegay ku biiray kooxda Al-Shabaab, Waxa uu culuumta diinta islamka ka bartay xarunta Islaamiga ah ee San Diego ee Kearny Mesa.
Aabihii, oo lagu magacaabo Xaliim Mustafa Gabori islamarkaana asal ahaan ka soo jeeda Kurdiyiin reer Suuriya kuna noolaa San Diego ayaa geeriyooday 2018-kii, sida mid ka mid saaxibadiisa u sheegay warbaahinta Fox News .
Mustafa ayaa wajahaya dacwado kala duwan oo ay ka mid tahay shirqool lagu taageerayo argagixisada, ajnabiga ah iyo in taageerro agab ah uu siiyo urur argagixiso shisheeye.
Haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay, wuxuu wajihi doonaa ilaa 55 sano oo xarig ah iyo 750,000 doolar oo ganaax ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.
Mid ka mid ah eedaha loo haysto waxaa ka mid ah weerar Al-Shabaab ay bishii September 2019-kii ku qaadeen garoonka Balidoogle ee Soomaaliya, halkaas oo uu Maraykanka ku tababarro ciidamada Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006-dii.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Mustafa waxa uu Al-Shabaab u qaabilsanyahay dhanka tabobarista ciidamadooda, isaga oo sidoo kale ah ninka u dhexeya Al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah, Waxaase ugu wayn ee ay wasaaradda sheegtay in uu hormuud ka yahay barnaamijka qaraxyada ee Al-Shabaab.