Villa Somalia oo dacwad u dirtay wargeys caan ah oo daabacay in ciidamo ka tirsan Soomaaliya qayb ka ahaayeen dagaalkii Tigray

0
965

Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa dacwad u diray Wargeyska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaas oo daabacay Warbixin ku aadan in Ciidamo ka tirsan Xooggaga dalka Soomaaliya ay ka qayb ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Warbixintaas ayaa waxaa Wargeyska The Globe and Mail lagu qoray 20-kii bishii hore ee sanadkan, waxaana lagu sheegay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ee qaybta ka ahaa dagaalkii Tigray ay Gobolkaas ka gaysteen xasuuq ba’an.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamad Xaashi, kuna taariikheysan 25-kii bishii hore ayaa Warbaahinta loo soo dusiyay 5 cisho ka dib, isla maalinkii warbixinta la daabacay.
Warqadda Madaxtooyada oo lagu qoray luuqadda afka khalaad ee Ingiriiska ayaa lagu beeniyay Warbixinta uu daabacay Wargeyska The Globe and Mail ee ku aadan in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qayb qaateen dagaalkii Gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya.
Waxaa ay dowladda Soomaaliya sheegtay in tillaabo sharci ah ka qaadi doonto Wargeyska haddii uunan soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixinta ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay been abuur.
“Warbixinta waa mid si cad looga been abuurtay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aan marna faragelin arrimo dalal kale” ayaa lagu yiri Qoraalka uu diray Agaasime Cabdirashiid Maxamad Xaashi.
Sidoo kale Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu yiri “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faanayaan ciidankeeda geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkeeda, Marna ma aha kuwo ku xadgudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen.