Venezuela oo xireysa safaaradeeda Norway kadib markii hoggaamiyaha mucaaradka ay ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize

0
119

Venezuela ayaa sheegtay inay xirayso safaaradeeda dalka Norway, maalmo uun kadib markii hoggaamiyaha mucaaradka ee Venezuela Maria Corina Machado lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in safaaradda Venezuela aysan sheegin sababta ay albaabada ugu laabatay safaaradeeda.
Wasaaradda ayaa waxaa kaloo ay carrabka ku adkeysay in guddiga bixiya abaalmarinta uu yahay hay’ad ka madax bannaan dowladda Norway.
Maria Corina Machado ayaa laga hor istaagay inay ka qayb gasho doorashadii sannadkii hore ka dhacday dalka Venezuela, taasoo uu ku guuleystay madaxweyne Nicolas Maduro oo si weyn loogu muransanaa.