Hay’adda laga leeyahay Maraykanka ee horumarka caalamiga ee (USAID) iyo dowladda hoose ee ismaamulka Kitui ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u maalgeliyaan oo ayna dhaqangeliyaan mashaariic horumarineed.
Barnaamijyadan oo laga fulin doono guud ahaan dowlad deegaankaasi ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 1.1 bilyan.
Heshiiska labada dhinac ayaa waxaa saxiixay James Flock oo matalaya USAID iyo barasaabka Kitui ,Dr .Julius Malombe.
Mashaariicda oo lagu fulin doono hal sano ayay dowladda ismaamulka Kitui ku bixin doontaa 742 milyan halka hay’adda ay ku biirinaysa 368 milyan oo shilin.
Dr. Malombe ayaa sheegay in mashaariicda ay ku saabsan yihiin wax soo saarka beeraha , biyaha, waraabka , xoolaha, caafimaadka , nadaafadda , ganacsiga, warshadaha , hal-abuurka , iskaashatooyinka , waxbarashada iyo tababarrada lagu horumariyo xirfadaha.