Ururrada shaqaalaha Faransiiska oo shaqo joojin billaabay

0
290

Ururrada shaqaalaha ee dalka Faransiiska ayaa billaabay shaqo joojin qaran.
Waxay dalbanayaan in musharaadka loo kordhiyo iyadoo uu jiro sicir bararkii ugu sarreeyay muddo tobaneeyo sano ah.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay caqabadii ugu adkeyd ee uu wajahaya madaxweyne Emmanuel Macron tan iyo markii bishii Shanaad ee sanadkan dib loo doortay.
Shaqo joojinta maanta ayaa inta badan saameysay waaxyaha dowladda sida dugsiyada iyo gaadiidka dadweynaha.